|
|||||||
|
|||||||
|
|
|||||||
|






Ambassador Laqanyo oo la hadlayo masuuliyiin iyo aqoon yahano Soomaliyeed magaalada Minisoto ee dalka Mareykan ka, Ambassador Laqanyo waxa uu war bixiin dheer ka siiyey aqoon yahaynadaas iyo wax garadka uu la kulmay xaalada dalku ku sugan yahay,
waxaa si aada Ambasador Laqanyo loo gala hadalay gelitaanka ciidamada Ethiopia ay Soomaliya galeen iyo Joogitaan kooda, waxa uu Ambassador Laqanyo aritaas ku tilmaamay in ay tahay arin ku timid oglaansha baarlamaaka Soomaliya oo ogalaaday in ay ciidamo lakeeno soomaliya ayagoon kala qaadin saf hore iyo mid danbe markeey ansixinayeen National Stplazation Plan kaas oo ay sogayeen horeyna u codsadeen
UN Security Council si looga qaado cunaqabateynta hubka oo saarnaa Soomaliya ciidana aan lagey Karin Somaaliay saf hore iyo mid danbaba, marhadii dowlad layahay ama la sheeganayo waxaa wanaagsan in lagu dhaqmo sharciyada u degan aduunka iyo xeer hoosaad yadiisa, taasi macnaheedu maha in ay dowlada Federaaku eek u meel gaar ka ahi tahay dowlad dhaba ama damaanad qaadi karto Soomalia gebi ahaan oo waad la socotaan qaliifka ku kala dhex jira madaxda sar sare ee dowlda,
Ambassador Laqanyo waxa uu carabka ku dhuftay in ay jiraan habacsanaan iyo caqabado hortaagan dowlada nafteeda taas oo ah is qab qabsiga madaxda sar sare, laakiin waxa uu yiri waxaa wanaagsan in aan arintaas laba u kala qaadno, 1- in aan mar walba la sacono isla markaasna ilaalino xiriirka nagala dhaxeeyo caalamka, si loo ilaaliyo karaamada iyo jiritaanka Soomaaliya heer caalami markaasna waxaan ku qasbanahay in aan u hogaan samaano dhamaan shuucda iyo xeerhoosadyadeeda iyo dhamaan go’aamada ka soo baxao hey adaha caalamiga. 2- arinta labaad waxa ay tahay in aan marnaba indhaha laga qabsan Karin maamu xumada iyo masuul xumada ka dhejirto Dowlada Federaalka taas oo ay muuqato in ay kaaraamadeedu sii dhimanayo,
anagana hadaan nahay safiirada ay dhib nagu tahay in aan difaacno ama ay dhib nagu tahay in aan dhaleeceyno waayo fasiir waxa uu marqalba loo baahan yahay in uu ka hadlo wanaaga iyo hour marka dalkiisa laakiin waxaa wanaaga amah or u mar ah kama muuqato DFKG, xitaa hadii ay dhacdo in uu Ra’isul wasaaraha hada jooga ee Ali Mahamed Gedi uu is casilo ama uu shaqada ka tago waxaan idiin sheegayaa in ay arintu wax wanaaga oo ka imaan doono ay san jirin, Ambassador Laqanyo ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in dadka
Soomaliyeed ay san maskaxdooda aysan ku mashquulin joogitaanka ciidamada Ethiopia laakiin loo baahan yahay in aad looga fekero koleey wey baxayaane maxaa Soomliya u dana marka ay baxaan, waxa uu Ambassador Laqanyo aad ugu cel celiyey in sida wax loo sheegayo aysan u jirin oo ah in ay ciidamada Ethiopia aysan abid bixi doonin oo dalkii la qabsaday, laakiin uu xog ogaal u yahay in ay ciidamadaasi ay bixi doonaan dhawaan laakiin uu wal wal ka qabo in ay baxaan iyadoon dowladu ay aad u liidato ama aysan dowld jirin. Runtii dakii arintaas dhagesanayey aad iyo aad bey usoo dhweeyeen hadlada uu ku halay Abassador Laqanyo oo loo arko in uu yahay nin si aada ruta ugu dhow marka laga hadlayo Dowlada Federaalka eek u meel gaarka, waxaa kale oo la wada og yahay in uu Ambassador Laqanyo yahay xog ogaal qaab siyaasadeedka soomaliya.
